Somali

Kusoo dhawow waxbarashada afka Norwayjiga Xarunta Follo Kvaliseringgssenter (IKS)

Waxaan nahay Dugsi loogu talagalay dadka waaweyn ee qoxootiga ama aajaanibka ah inay ku bartaan Af Norwayjiga. Waxaa Dugsiga ka shaqeeya barayaal leh waayo aragnimo dheer, kaana caawin doona inaad luuqada barato.

Hadii aad horay u dhigatay af norwayjiga waxaa wada hadal kula yeelan mid ka mida barayaasha Dusiga si aad u bilowdo fasal ku haboon heerkaaga waxbarasho.

Waxaan leenahay fasalo loogu talagalay ardayda

  • Wax yar soo dhigtay ama aanan horay dugsi soo dhigan
  • Wadankooda kusoo dhigtay dhowr sano hoose dhexe.
  • Wax ka dhgtay, dhameeyey dugsi sare ama aqoon jaamacadeed iyo wax kasareeya haysta

 

Waxaa kalood xarunta ka heli doontaa

  • Maqaaxi aad ku barandoonto afka iyo sida cuntada loo sameeyo.
  • Qol farsamada gacanta sida xarqaanka, ood afnorwayjiga ku baran doonto adigoo gacanta wax la ka qabanaya.

Wakhtiyada xiisadaha afnorwayjiga la dhigto.

  • Maalin walba Isniin – Jimce (08.30-11.45)
  • Labo galabood wiigii  (kl.17.30-20.00)

Koorsooyinkan waxaa loogu tala galay dadka maalintii shaqeeya. Waxaan ka xunahay inaan haynin galabkii koorsooyin ku haboon dadka dhowr sano ama aanan Dugsi horay usoo marin.

Hadii aad degan tahay mid ka mida dowladaha hoose (kommuner Frogn, Ski iyo Vestby) waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay waxbarasho bilaash ah in lagaa siiyo xarunta.

Waxaan kaloon leenahay barnaamijka loo yaqaan introduksjonsprogram ee loogu tala galay dadka qaxootiga ah ee degan dowladaha hoose een kor ku xusnay. Hadaad barnaamijkaa gasho waxaad isguulka joogi doontaa 08.30-15.00

Soo qaado koobiga baastaboorkaa maalinta kuugu horaysa

Kusoo Dhawoow barashada afnoorwayjiga!

Informasjon på somali